Columbus, OHIO: Kooxda Twin City Stars oo ku guuleystay koobkii tartanka Spring Break
Axad , April 08. 2012 (HOL: Columbus,Ohio : Waxaa galabta isga horyimid ciyaarti kama danbeysta ee koobkii loogu magac daray alla ha u naxariistee gudoomiyihii kubadda cagta iyo Gudoomiyihii Olympiga ee Somaliya, Adan Xaji Yabaroow “Wiish” iyo Saciid Moxamed Nur “Mugaambe” ee dhawaan lagu dilay magaaladda Mogadishu oo usbuucan ka socday garoonka kubadda cagta ee magaalada Columbus ee Gobolka Ohio ayaa waxaa usoo baxay ciyaartii ugu danbeysay labadii koox ee ugu firfircooneeyd ee kala ee ahaa Twin City Stars iyo TSS-Tenn, kadib markii ay ku soo durduriyeen kooxahaWashington DC
Ciyaarta qeybtii labaad ayey aad ula soo baxeen kooxda TSS-TENN firfircooni dheeraad ah oo ay markiiba goal gundhada u dhigeen kooxda Twin City oo ay 2 iyo 1 noqdeen. Wax ka yar daqiiqad ayeey markiiba kooxda Twin City ka dhigeen barbar dhac, oo hadana saddexeeyeen oo ay ciyaartii noqotay 3-2 oo Twin City ku gacan sareysay qeybtii labaad oo dhan, waxa ay hadana goolkii afaraad shabaka u dhigeen TSS-TENN daqiiqadii ciyaarta u danbeysay oo halkaas ay guusha ku raacday TWIN CITY of Minnesota 4vs 2. Waxa amaan mudan laba tababare ee Twin City Stars Mohamed Carab iyo Abdi Shukri iyo Tababaraha TSS-TENNo Ohio.