Monday, December 26, 2011






Shir aan caadi ahayn oo ay xalay isugu yimaadeen xubnaha ururka SSAUK oo ay ku bahoobeen cayaartoydii hore ee dalka kuwooda ku dhaqan dalkan Ingiriiska ayaa xalay guddoomiye loogu doortay macalinkii xulka qaranka kubadda kolayga Soomaaliyeed C/Raxmaan Guhaad (Shiino).Shirkan oo dhinaca kalena ay goobjoog ka ahaayeen martisharaf sport oo ay ka mid ahaayeen odayga bahdan ahna guddoomiyaha ururka Midaynta qurbajoogta sport ga Axmed Nuur Sayga, xildhibaan C/Qaadir Cusmaan Cali (Shiddo), Garsoore caalami ah Muriidi Zein, guddoomiyaha ururka UNIS mudane Cabdi Dheeg iyo cayaaryahankii hore ee naadiga madbacadda Xasan Ataroos ayaa waxaa codsigiisa lahaa gudoomiyihii hore ee ururkan mudane Maxamed Shidane Buraale si uu xubnaha ururka ugala hadlo arimo muhiim u ah sii jiritaanka ururkan. Ugu horayntiiba waxaa la hadlay xubnihii halkaasi goobjooga ka haa iyo martisharaftiiba guddoomiye Shidane asagoo aad ugu dheeraaday horumarkii iyo hawlihii baaxadda lahaa ee uu qabtay ururkani mudadii labada sano ahayd ee uu hogaanka u hayey wuxuuna aad ugu mahadceliyey dadkii kala shaqeeyey waxqabadkaasi iyo waliba guud ahaan bahwaynta sport ga ee ayagu taageerada u muujiyey ururkan. Intaasi ka dib ayuu mudane Shidane ka codsaday xubnaha ururka in laga wareejiyo hogaanka ururka maadaama aysan suuragal ahayn in uu sii wado arimo asaga ku soo kordhay awgood asagoo si aad ahna uga mahadceliyey xubnaha kalsoonidii ay siiyeen in uu muddo sanad ah sii hayo hogaankan dhawr usbuuc ka hor taasoo ay run ahaantii ku noqotay xubnaha arin aysan filayn balse ay dhinaca kale u arkaan horumar in Shidane uu dib ugu soo celiyo hogaanka ururka xubnihii doortay taasoo aan dhaqan u ahayn Soomaalida.

Total Pageviews

seattle 20011

seattle 20011

Blog Archive